Wariye Nimco Xirsi Jimcaale oo ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo

0
73

Wariye Nimco Xersi Jimcaale oo ka tirsan howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa abaaro 3:45 pm galabnimo lagu weeraray hoygeeda oo ku yaala xaafada xararyaale ee degmada Warta Nabadda.

Kooxo bustoolado ku hubeysan ayaa si xoog ah ku galay guriga Nimco, balse nasiib wanaag xiligaas Nimco guriga ma aysna joogin oo waxa ay ku beegneyd waqtida ay shaqada Idaacadda ka baxaysay, waxaana kooxaha hubeysan markii ay guriga ka waayeen goobta isaga tegay.

Falkan oo dhacay 8 10 2017 ayaa wal wal ku abuurtay ehelka Nimco Xersi Jimcaale, maadaama gabartooda ay raadsanayaan kooxo hubeysan oo doonaya inay dilaan.
Waa markii 3aad oo Nimco Xersi Jimcaale ay ka badbaado iskuday dil, kaasi oo lagu doonayay in lagu qaarajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here