Saadaq Joon Oo Loo Magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Iyo Ciidamadii Nisa Gobolka Oo La Baabi`iyay

0
127

Xog Aanu Helay Ayaa Sheegaya In Sacadihii la soo dhaafay ayaa isbadal lagu sameeyay Taliska Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka kadib markii gabi ahaanba la baabi`iyay Ciidamadii muuqday ee NISA, iyadoona wararka qaar ee soo baxaya ay tilmaamayaan in qaar kood ay u shaqeyn doonaan qaab qarsoodi ah.

Taliyihii Ciidamada NISA ee gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamadii Nabad sugida ee gobolka Banaadir oo markii hore ka qeybta ahaa Ciidamadii ka qeyb qaadanayay sugida amaanka magaalada Muqdisho ayaa hadda ka mid noqonaya Ciidamada Booliiska ee gobolka Banaadir.

Hogaanka Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa isbadal lagu sameeyay kadib markii Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Iyadoona taliyihii Ciidamada Booliiska ee gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin isna loo wareejiyay Taliska qeybta Guud ee Taraafikada Gobolka Banaadir.

Isbadalkaan lagu sameeyay hogaanka Taliska Ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir ayaa la filayaa kaalin mug leh ay ka qaataan sugida amaanka magaalada Muqdisho.