Akriso Villa Soomaaliya Oo Isku Dayaysa Fashilinta Shirka Habargidir Ee Hobyo

0
1

Amar ka soo baxay madaxda sare ee Villa Soomaaliya Oo La Soo Marsiiyay Taliyaha Cusub Ee dhawaan Loo Magabaabay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Qeybtooda 21-tanaad Ayaa Lagu Faray Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo sugayay amniga Shirka Hobyo In Ay Magaaladaasi Iskaga Soo Baxaan

Ciidamadaan Oo Watay Dhowr Gaadiidka Dagaalka Ah ayaa Sababta ay Hobyo Uga Soo Baxeen Waxaa Lagu Sheegay In madaxda Sare Ee Villla Soomaaliya ay isku Dayayaan Carqaladaynta Shirka Halkaasi Uga Socda Beesha Habargidir Balse waxaa muuqatay in aysan u suurta galayn Kadib markii ciidamo deegaanka ah oo ka ambaxay magaalooyinka cadaado iyo gaalkacyo ay la wareegeen Sugidda amniga shirka hobyo iyo Guud ahaan Magaalada

Waxaa Muuqata in dowlada soomaaliya ay isku dayayso si walba oo ay ku hor istaagi karo shirka beesha habar gidir uga socda hobyo balse beeshaan ayaa ah mid xoogeeda iskugu gaynaysa sidii uu shirkaan ku noqon lahaa mid mira dhala oo mustaqbalka loo aayo

Halkaan La Soco Wixii Kasoo Kordha Shirka Hobyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here