XOG Akhriso Magaca Masharaxa Ay Dowladda Qatar Wadato Doorshada Jubalnd

0
2

Wargeyska Qatar Leaks ayaa baahiyay xog ku saabsan in dowladda Qadar ay wadato mid ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland.

Dowladda Qadar ayaa la sheegayaa in ay ka soo horjeeddo Madaxweynaha hadda maamula Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Qatar Leaks waxaa uu baahiyay in dowladda Qadar ay taageersantahay Musharrax C/Naasir Seeraar kaas oo Axmed Madoobe ay wada hoggaamin jireen Jabhaddii Raaskampponi.

Wargeysku waxaa uu sheegay in taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Qadar, Seeraar loo marsiiyo Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kale oo warbixinta xustay in Warbaahinat Kenya qaar ka mid ah dowladda Qadar lacag ku siisay buun buuninta C/Naasir Seeraar waxaa si gaar ah isha loogu fiiqay Wargeyska Daily Nation oo warbixinno dhowr ah ku taageeray C/Naasir Seeraar.

Wargeyska ayaa xusay in Dowladda Qadar ay sidoo taageero xoog leh u tahay Fahad Yaasiin oo ah Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here