MADAXWEYNE DENI OO MAANTA KU WAJAHAN KISMAAYO

0
3

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya magaalada Kismaayo halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

 

warar aan ka helnay madaxtooyada Boosaaso ayaa inoo xaqiijiyey in sida sida u qorshaysan madaxweyne Deni maanta uu aadi doono magaalada kismaayo.

 

masuuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxweynaha puntland oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in wafdi uu hogaaminaayo madaxweyne Deni uu ku wajahanyahay Magaalada kismaayo,Balse waxaa ay ka gaabsadeen in ay faah faahino ka bixiyaan Qaabka uu Deni ku tgi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here