Wafdi ka socda Kenya oo gaaray Kismaayo +Sawirro

0
26

 

Wafdi uu hoggaaminayo Xildhibaan Aadan Barre Ducale oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya, ayaa goordhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka Wafdigan ay u tageen Magaalada Kismaayo, ayaa ah iney ka qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta la filayo iney ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay,waxaana Xaafadaha Magaalada Howlgallo lagu xaqiijinayo ka sameynaya Ciidamo kala duwan ee katirsan Maamulka Jubbaland.

Amar xalay ka soo baxay Maamulka Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duulimaadkasta oo ku socda Kismaayo, ay soo maraan Magaalada Muqdisho ee Casimada Dalka.

Dowladda Kenya ayaa markale Jebisay xayiradda ay Dowladda Soomaaliya saartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here