Wajiga Koowaad ee Nidaamka dhaxal Koobka oo la bilaabay (Sawirro)

0
18

 

Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa maanta bilaabay Wajiga Koowaad ee Nidaamka dhaxal koobka kaa oo suurta gelinaya in Xuquuq la siiyo Agoonta ee Waalidkooda ku waayay difaaca dalka.

Qorshahaan ayaa Xukuumadda Ku Saleysan Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka.

Abaanduulaha Qaybta 21-aad G/Le Aadan Siyaad Cabdi ayaa Magaalada Cadaado, ka Daah Furay Howshan waxaana Goob joog ka ah Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka qeybta 27-aad Dhamme Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Dhamme Maxamed C/Qaadir Maxamed oo Howlo Shaqo u Jooga Xarunta Taliska ee Magaalada Cadaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku dooneyso iney saro ugu qaado Awooda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here