Askar Kenyaan ah oo qarax lagu dilay & Al-shabaab oo sheegtay

0
20

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax Miino oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo lala eegtay Ciidamo katirsan Dalka Kenya.

Qaraxaan oo ahaa Miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lala eegtay Ciidamo katirsan Booliska sida gaarka ah u Tababaran Dalka kenya,kuwaas oo ku socdaalayay Wadada xiriirisa Deegaanka Kulan iyo Libooye ee Dalka kenya.

Inta la xaqiijiyay 11 Askari oo katirsan Ciidamada kenya, ayaa qaraxa ku geeriyooday,halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,inkasto aan wali la shaacin khasaaraha guud ee qaraxaasi uu geystay.

Kooxda Al-shabaab ayaa dusha saaratay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Ciidamada kenya, waxa ayna war ay ku qoreen baraha ay Internet-ka ka isticmalaan ku sheegteen in 11 Askari oo katirsan Ciidamada Kenya ay qaraxa ku dileen.

Wali Saraakiisha Ciidamada Kenya, faah faah rasmi ah kama aysan bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu qaraxaasi geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here