Atirishada Disha Patani filimkii Bharat ee Salman Khan hogaamiye ka ahaa lana daawaday Ciidul
Fitrigii aan kasoo gudubnay boos weyn kuma laheyn waxaana atirisho kowaad ka ahayd Katrina Kaif
midaasna niyad jab ma aysan ka qaadin madaama Sallu ka codsaday inay filimka Bharat kasoo
muuqato.
Haatan Salman Khan wuu u abaal guday Disha Patani wuxuuna atirisho kowaad kaga dhigay filimkiisa
cusub Radhey: India’s Most Wanted ee la daawan doono Eid 2020 waxaana Director ka ah
Prabhuve sidoo kalena Disha mashruucan door adag ayaa laga siiyay sida Sohail Khan oo soo
saarayaasha filimkan ka mid ah xaqiijiyay.
Filimka Radhey sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Korean-ka ah The Outlaws oo la
daawaday 2017 wuxuuna Sallu ku jilayaa askari mayal adag oo loo xil saarayo gaangester awood
badan inuu la dagaalamo waxaana dhawaan lagu soo dari doonaa atoore labaad oo filimkan Salman si
adag u xifaaltami doonaan.
Sida la xaqiijiyay filimka Radhey waxay duubistiisa bilaaban doontaa 4 bisha November ee nagu soo
fool leh waxayna socon doontaa shaqadiisa afar bilood oo xariir ah si Eid 2020 loo daawado waxayna
isku dhici doonaan filimka Laxmi Bomb ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay oo isagana Eid 2020
calaameestay in la daawado
filimside