Madaxweyne Deni ” Ma ihi Nin lagu Cabsiin karo in uu Waajibkiisa garan waayay”

0
18

Maanta oo Sabti ah Tariikhda ay ku beegan tahay 26-bishan Oktoobar, ayaa waxaa furay Ka;fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Kalfadhiga, Golaha Wakiilada Puntland,ayaa waxaa Daah-furay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni,isagoona Khudbad dheer ka jeediyay Madasha,waxa uuna ku dheeraaday ka hadalka waxa ay qabatay Xukuumadiisa mudda ay xilka heyso.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in Dowladda Puntland ay raadineyso dadaal walbo oo lagu xalinayo kala aragti duwnaanshaha kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in Puntland ay Cadeneyso moqifkeeda ku aadan Wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, si xal waaro looga gaaro, waa in Dowladda Puntland ay qeyb mug leh ka qadataa Wadahadaladaas, madaama sida uu sheegay Khilaaf Xuduudeed uu kala dhaxeeyo Puntland, Maamulka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Deni.

Xildhibaan katirsan Golaha Wakiilada Puntland, ayaa Madaxweynaha Puntland , waxa uu weydiiyay dhowr Su’aal, oo aheyd in waqtiga uu hayo Madaxweyne Deni Xilka ay bur burtay Kalsoonidii ay ku qabanayeen Shacabka Reer Puntland,isla markaana waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah Maasjida ay Qanuudeen Cabsi darteed.

Waxa uuna sidoo kale Xildhibaanka hadalkiisa intaas ku daray in Khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne ku-xigeenkiisa uu soo noqnoqday,isla markaana arrintaasi ay tahay Mushkilad kale oo taagan, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul uga Jawaabay Su’aalaha la weydiiyay, waxa uuna sheegay in Xukuumadiisa inta ay jirto ay wax badan qabatay,isla markaana waxa uu xusay in 500 oo Askari oo ku jira Xerada Xer- goble ay Maalinta Talaadada ah ay Tababar u furi doonaan.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in ay cadeynayaan habka ay is hor-istaaga ugu ku sameyeen Xildhibaano faro ku tiris ah,kuwaas oo doonayay in ay Maamulka Dowladda ay la waregaan.

Sidoo kale Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in uusan aheyn Nin lagu Cabsiin karo in Waajibkiisa garan waayay,waxa uuna xusay in uu rajeynayo in Baarlamaanka uu shaqadiisa aqoonsan doono, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here