Faah faahin: Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

0
36

Dagaal Sababay dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay Dhalinyaro Dhirta Xaalufineysay iyo Maleeshiyaad deegaanka ayaa ka dhacay Degaanka Dhagtuur oo dhowr Labaatan Kiilo Mitir dhanka Koonfureed ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dhalinyaro Xaalufin ku heysay Dhirta si ay Dhuxul uga sameyaan iyo Maleeshiyaad Degaanka,waxaana dagaalka uu yimid kadib markii Dhalinyada lagu amray inay joojiyaan Dhirta ay Xaalufinta ku hayaan,balse ay arrintaasi ka biya diideen.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka waxaa ku geeriyooday hal Ruux,mid kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray, oo ah labadii dhinac ii dirirtu dhexmartay sida ay Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Wali Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug kama uusan hadlin weerarka ka dhacay deegaanka Dhagtuur,waxaana Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Deegaanka ay sheegayaan in Xaaladu ay tahay mid deggan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here