Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

0
17

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka muuri ee Gobolka shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in qarax Miino oo Khasaaro geystay lala eegtay Koloyo ay wateen Ciidamo katirsan Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxaan oo ahaa Miinada Nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Ciidanka AMISOM, xili ay mareyeen Deegaanka Muuri ee katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goob jogayaal ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib ay Ciidamada AMISOM, fureen Rasaas fara badan,isla markaana ilaa iyo hadda aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo Rasaas ay Ciidamada AMISOM Fureen.

Inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa ka dhaca qaraxyo iyo Weeraro inta badan lala eegto Ciidamada Dowladda, Kuwa AMISOM, iyo Mas’uuliyiinta Dowladda, xiliyada ay ku socdalayaan Deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose katirsan, waxaana Mas’uuliyada Weeraradaasi sheegta Kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here