Wax ka ogoow Guddoomiyaha Cusub ee Ururka ONLF

0
17

Ururka ONLF ayaa Doorasho ka dhacday Magaalada Godey ee Gobolka Shabeelle ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa ay Guddoomiye Cusub ugu doorteen Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey.

Doorashada oo aheyd Cod qarsoodi ah, ayaa waxaa ku tartamayay labo Musharax waxa ayna kala heleen C/raxmaan Madey oo helay 349, halka Axmed Yaasin oo la tartamayay uu asna helay 251 Cod,waxaana halaabay 7 Cod,waxaana Guddiga Doorashada ay ku dhawaqeen in C/raxmaan Sheekh Mahdi Maadey uu yahay Guddoomiyaha Ururka Gobonima-doonka ee ONLF.

Doorashadan oo ahayd cod qarsoodi ah ayaa waxa ay noqoneyso, midii ugu horeeysay tan markii ONLF iyo Itoobiya uu heshiish dhexmaray.

Guddoomiye C/raxmaan Maadey ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ahaa Guddoomiyihii Ururka xilligii ay halganka dagaalka ay ku jirtay.

Guddoomiyaha Cusub ee Ururka ONLF ayaa Sanadkii 1977-kii waxa uu soo noqday xoghayihii ururkii dhallinyaradii Soomaali-galbeed.

Sidoo kale Waxa uu kamid ahaa 6-dii nin ee asaastay ONLF. waxa uuna 2008 noqday xoghayaha guud ee ONLF.

Guddoomiyaha Cusub Waxaa horyaalla soo dhisidda golefulin iyo guddoomiye ku-xigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here