Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo gaaray Degmada Badhan +Sawirro

0
32

Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, oo ay dhawaan xilkii ka qaadeen Golaha Wakiilada Puntland.

Dhoobo-daareed, ayaa malahan ku sugnaa Deegaanno katirsan Gobolka Sanaag,waxaana shalay uu gaaray Deegaanka Xingalool,waxaana halkaasi kulamo kala duwan xalay kula qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaanka Xingalool ee Heylan.

Maamulka Degmada Badhan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Badhan ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo Wafdiga uu hoggaaminayay.

C/xakiin Dhoobo-daareed, ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Badhan waxaa la filaya in uu kulamo kala duwan la qaadato Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Dhawaan ayay aheyd markii Golaha Wakiilada Puntland, kulan ay ku yesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe, ay Xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka qadeen, C/xakiin Dhoobo-daareed, ayaa
tan iyo markaas Dhoobo-daareed waxa uu bilaabay Socdaal uu ku marayo Deegaano iyo Degmooyinka katirsan Gobollada Puntland,isagoona kulamo kala duwan la qaatay inta badan bulshada iyo waxgaradka ku Nool Deegaannada uu booqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here