Khayre oo kulan la qaatay Wasiirada arrimaha Dibadda Finland & Ruushka

0
15

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee caasimadda dalka France wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka
Sergey Lavrov.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Ruusha, ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Nabad galyada, iyo Taageerada Saaxiibbada Soomaaliya ee dib u soo kabashada Dalka.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto, iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dalka Finland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here