Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

0
22

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibbadooda Soomaaliya ay Shalayto weerar xagga Hawada ah ay ka fuliyeen meel ku dhow Degmada Jilib , isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si taxaddar leh loo fuliyay, isla maraakana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin Dadka Raidka ah ee ka ag dhowaa halka ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa Sanadkan 2019-ka waxa uu kordhiyey weerarrada xagga Cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana duqeymahaasi qasaaro kala duwan loogu geystay kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here