Darewal Gaari oo loo dilay 50,000 oo Shilin Somali ah

0
44

Wararka anu ka heleyno Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in Saakay Wadade Gaari lagu dilay Deegaan hoostaga Degmadasi.

Dilka Darawelka ayaa waxaa ka dambeeyay Askari ku sugnaa goob Isbaaro ah oo Lacagaha looga qaado Gadiidka, oo ku taalla Deegaanka Ceel-macaan oo hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilo Wareedyo kala duwan ayaa sheegay in Dilka darawelka uu yimid kadib markii uu diiday inuu bixiyo Lacag dhan 50,000 Shilin Soomaali ah.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Warsheekh oo ku aadan dilka ka dhacay Deegaanka Ceel-macaan oo hoostaga ee Degmada Warsheekh.

Inta badan Wadada isku xirta Deegaanka Ceel-macaan iyo Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa yaalla dhowr Bar Koontorool oo lacaga looga qaado Gadiidka ka baxa Muqdisho ee ku sii jeeda Deeegaannada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here