Faah faahin: dilal ka dhacay Degmada Afgooye

0
20

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dil Xalay Degmada Afgooye loogu geystay Madaxii Kastamka Maaliyadda ee Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilka Madaxii Kastamka Maaliyadda, ayaa waxaa ka dambeeyay Askari katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya,waxaan dilka uu yimid kadib markii Askariga iyo Mas’uulka uu soo kala dhexgalay Muran la xiriira Canshuur la qaaday, waxaana taasi ay sababtay in Askariga mar qura uu Rasaas huwiyay Mas’uulkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Faarax (Nuur Xawaad),waxaana la sheegay in Askarigii dilka ka dambeeyay uu goobta ka baxsaday.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa Xalay Gudaha Degmada Afgooye,waxa ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dowladda Soomaaliya,iyadoona raggii ka dambeeyay falkaasu ay goobta ka baxsadeen.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye,oo la xiriira dilalka xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here