Guddoomiyihii hore ee Diinsoor oo is dhiibay

0
52

Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigoow oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor ee dhawaana xilka laga qaaday ayaa isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo Ciidan uu watay oo Dacaad u ahaa ayaa shalay waxa ay dagaal la galeen Ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi ku dhintay 2 Askari,halka 4 Askari oo kalana ay ku dhaawacmeen Dagaalka.

Dhinaca kale Wadahadalo dhexmaray Odayaasha eegaanka iyo Mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyntii sababtay in Ibraahim Maxamed Shigshigow, oo ahaa Guddoomiyihii Diinsoor ee xilka laga qaaday uu isku dhiibo Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here