Laamaha Ammaanka Koofurta Gaalkacyo oo baaq Culus u diray Shacabka

0
35

Saraakiisha laamaha nabad gelyada koofurta Gobolka Mudug ayaa Shacabka ka dalbaday in ay Ciidamada kala shaqeeyaan sugidda ammaanka Galmudug, si looga gaashaanto dhibaatooyinka Kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee koofurta Gobolka Mudug, Gashaanle sare; Xasan Faarax Kaarshe, ayaa Warbaahinta Dowladda, u sheegay in Bulshada looga baahan yahay in ay Gacmaha is-qabsadaan, si looga hor tago dhibatooyinka amni darro, loogana guuleysto cadawga wax u dhimaya amnigooda.

G/ sare; Kaarshe, ayaa sheegay in haatan uu aad u wanaagsan yahay amniga, sugidda nabad gelyadana ay iska kaashadaan Ciidamada isku dhafka ah ee hoos taga Dowladda federaalka Soomaaliya kuwa Galmudug iyo Shacabka Magaalada ku dhaqan.

Wuxuu intaa raaciyay taliyhu in iminka aysan jirin falal nabad gelyo darro iyo Qatar amni oo ay ka cabsi qabaan toona, balse ay ku jiraan feejignaan la xiriirta gudashada waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here